- Allah khaaliqa Baxshaba- Cilmi iyo Kheyraat-koo idile,
- Khabiir weeye oo wuu Ogyahay– khaznad wixi Yaale
- Khalqigiisa isagaa Yaqaan—- wixii u KheyrRoone,
- Khaatimu-Rusul weeye Nabigu, Umada Kheyr-ka Ugu Yeere
- Khuluqiyo wanaagaba na baray, khidmada diinkoode,
- Khilaaf-kiyo ka fogaada yiri, Khal-khal wixii keene,
- Kheeyru-khalqi-llahi weeye, oo ku Salliya khaaliqa yiriye,
- Khadiijey ahayd Zowjadiis, diinta u khidmaysey,
- Iyadoo kheyaameen dadkuna Khabar-ka suu sheegay,
- Khulafadiisa waatay Nabigu, kheyr ku taliyeene,
- Kharash ayagoon ku qaadan wanaag u khaadimaye,
- Khalqigu inay ku daydaan khasaba weeyaane,
- Khaaliqoodana u noqdaan khalad-ka dabadiise
- Khamsa Salaadoodbaa waajib Khaasa noqonayse
- Khushuuc Ruux ku tukada mu’min Khaalisa weeyaane
- Khamraduu Xarimay Eebbe, waa khamaar koo kala e
- Khasaaray ku galin waligaa, kheyr La’aanan badane
- Naartood ku Khaalidiyo , Ciqaab Khaasa ba jiriye
- Khiyaanadaa u daran xumaha, Khal-khalisa Amaankaade,
- Khaznadaha dalkood Guratiyo, kheyraat-kood Gadane,
- Kharaab iyo ka Talinaysa, Khasaara, aan dhamaanayne,
- Kheyrna kama heshide waligaa, way ku kharibtaaye,
- Khulaasadaan u gudbadbayaa oo waan soo khatimayaaye**
- kha’da gabay kheyr-kan uga bogtaa iyo khaaliqa Amaantiise.
- *khuraafaad uma tirshiyo ruuxba ku khilaafe
- Khamiis buu miruhu ii baxaa iyo Maalin kheyr badane
- Kheyr-doonbaan ahoo xumaha waan ka khajalaaye
- Khalad iyo ka dhowraa khalal wixi dhaline,
- Diinka ugu khidmeeyoo, kheyr-ku daaliba ye
- Khaaliqaa mahad iskaleh intuu khalqigaa jiro’e
- Khaatimu-rusul baan ku Saliyi oo kheyrka noo wadaye
- Allow Nabad mid kheyr laba na sii oo khawaarij taa dumiye
- khasaariyo dhamaan nagaba kori khoofka oo idile.