talosiin.com

Gabayga Kheyr-Miire

May 4, 2023 | by Mohamud

  • Allah khaaliqa Baxshaba-                  Cilmi iyo Kheyraat-koo idile,
  • Khabiir weeye oo wuu Ogyahay–      khaznad wixi Yaale
  • Khalqigiisa isagaa Yaqaan—-            wixii u KheyrRoone,
  • Khaatimu-Rusul weeye Nabigu,        Umada Kheyr-ka Ugu Yeere
  • Khuluqiyo wanaagaba na  baray,      khidmada diinkoode,
  • Khilaaf-kiyo ka fogaada yiri,             Khal-khal wixii keene,
  • Kheeyru-khalqi-llahi weeye,             oo ku Salliya khaaliqa yiriye,
  • Khadiijey ahayd Zowjadiis,               diinta u khidmaysey,
  • Iyadoo kheyaameen dadkuna           Khabar-ka suu sheegay,
  • Khulafadiisa waatay Nabigu,            kheyr ku taliyeene,
  • Kharash  ayagoon ku qaadan           wanaag u khaadimaye,
  • Khalqigu inay ku daydaan                khasaba weeyaane,
  • Khaaliqoodana u noqdaan                khalad-ka dabadiise
  • Khamsa  Salaadoodbaa waajib        Khaasa noqonayse
  • Khushuuc Ruux ku tukada                mu’min Khaalisa weeyaane
  • Khamraduu Xarimay Eebbe,             waa khamaar koo kala e
  • Khasaaray ku galin waligaa,            kheyr La’aanan badane
  • Naartood ku Khaalidiyo ,                  Ciqaab Khaasa ba jiriye
  • Khiyaanadaa u daran xumaha,        Khal-khalisa Amaankaade,
  • Khaznadaha dalkood Guratiyo,       kheyraat-kood Gadane,
  • Kharaab iyo ka Talinaysa,               Khasaara,  aan dhamaanayne,
  • Kheyrna kama heshide waligaa,    way ku kharibtaaye,
  • Khulaasadaan u gudbadbayaa      oo waan soo khatimayaaye**
  • kha’da gabay kheyr-kan uga bogtaa   iyo khaaliqa Amaantiise.
  • *khuraafaad uma tirshiyo                    ruuxba ku khilaafe
  • Khamiis buu miruhu ii baxaa                iyo Maalin kheyr badane
  • Kheyr-doonbaan ahoo                          xumaha waan ka khajalaaye
  • Khalad iyo ka dhowraa                          khalal wixi dhaline,
  • Diinka ugu khidmeeyoo,                     kheyr-ku daaliba ye
  • Khaaliqaa mahad iskaleh                    intuu khalqigaa jiro’e
  • Khaatimu-rusul baan ku Saliyi            oo kheyrka noo wadaye
  • Allow Nabad mid kheyr laba na sii     oo khawaarij taa dumiye
  • khasaariyo dhamaan nagaba kori      khoofka oo idile.